Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya ma difaac ayay gashay mise amniga Muqdisho ayay sugeysaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday qorshe cusub oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Muqdisho, waxaana qorshaha qeyb ka ah howlgalo ciidamada amaanka ay sameynayaan.

Balse dadka falanqeeya amaanka ayaa isweydiinaya dowladda Soomaaliya labo sano kadib Ma Muqdisho ayay difaac ka gashay mase amaanka ayaa dhagxaan lagu sugayaa.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhagxaan badan dhigay waddooyin markii hore caadi ahaa, iyadoo sidoo kale dhagxaanta lagu arkay isgoysyo kaliya gaadiidka ay kasoo leexan karayeen, maadaama jidcadayaashii oo dhan dhagxaan lagu jaray.

Waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay dhagxaantaasi u noqdeen difaac ay ka galaan weerarada ay geysanayaan Al Shabaab, waxaana cadeynaya in dhagxaan badan la dhigay gooobo markii hore caadi ahaa oo cabsi aysan ka jirin.

Isgoysyada Banaadir, Tarabuunka, Sanca iyo Siinaay oo markii hore ciidamo kaliya ay joogeen hadda qaarkood dhagxaan ayaa la dhigay, waxaana adag gaariga isticmaalaya wadada wadnaha inuu si sahal ah ugu soo leexo degmooyinka ku teedsan wadada Wadnaha ee soo xiga dhanka madaxtooyada.

Al Shabaab ayaa ku goodiyay inaysan joojineyn weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen inay beegsan doonaan meelaha saldhigyada iyo xafiisyada u ah madaxda dowladda.

Iyadoo sidaasi maalmihii ugu dambeeyay dhagxaan badan loogu xiray waddooyinka ayaa haddana mararka qaar wali waxaa dhacaya qaraxyada Al Shabaab geysanayaan, taasi oo ka dhigan in dowladda ay Muqdisho difaac kasii gashay.

Waxaa waxaa jirta digniinaha laamaha amaanka iyo sirdoonka ajaaniibta ay ka bixinayaan weeraro Al Shabaab ka geysan karaan magaalada Muqdisho, waxaana cabsi ay ku abuurtay shacabka Muqdisho.

55849411_2044930088966565_55565299468195 56157906_2044930045633236_74936562413742

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this