Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaaciyay magaca iyo qabiilkii qofkii labaad ee weeraray wasaarada shaqaalaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa baahiyay magaca qof labaad oo la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay weerarkii 23 Maarso ka dhacay xarumaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo midda Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, oo Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaan Cabdullaahi Dacwo ama Bilaal, uu ahaa ruuxii ka dambeeyay weerarka gudaha loogu galay xarumaha wasaaradda.

Cabdullaahi Bilaal, ayaa la sheegay inuu ahaa 29 sano jir kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana la cadeeyay inuu kasoo jeedo Beesha Ogaadeen Jufada Reer Cabdalla.

Cabdulaahi ayaa la sheegay inuu ka yimid markii hore deegaanada dhanka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana uu sheegay inuu kasoo tagay deegaanada NFD kadib markii uu u dulqaadan waayay dhibaatada shacabka lagu hayo, sida uu hadalka u dhigay.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in muddo kooban inuu ku dhex jiray Al-Shabaab, isaga oo sheegay in muddadaa uu ku dhexjiray Al-Shabaab uu ku dhexjiray JIHAAD iyo mujaahidiin, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay yareyd muddada uu joogay magaalooyinka, islamarkaana uu ku sugnaa deegaanada dhanka miyiga, sida uu hadaka u dhigay.

Al-Shabaab ayaa maalin ka hor soo bandhigay magaca iyo qabiilka ruuxii fuliyay qaraxa koowaad ee lagu weeraray xarunta wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala degmada Shangaani.

Waxay sidoo kale sheegeen inay soo bandhigi doonaan dhamaan dadkii weeraray Wasaaradda magacyadooda iyo qabiiladooda, waxaana sidaan oo kale ay sameeyeen marar badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this