Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Dowladda Somalia oo ciidamadii ugu badnaa u xirtay musuq-maasuq

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada amaanka ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale taliska ciidamada Booliska ayaa ka hadlay gaari hilib waday oo ciidamada amaanka ay ku qabteen Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay inuu ku wajahnaa degmada X/Weyne.

Zakiya Xuseen Axmed oo ah taliye ku xigeenka ciidamada booliska oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in ciidamada ay qabteen gaari waday Hilib kaasi oo isku dayay inuu isgoysyo badan kaga soo gudbo dhanka degmada X.weyne.

Zakiya ayaa sheegtay in darawalka gaariga uu diiday in gaariga iyo waxyaabaha saarnaa la baaro, isaga oo isku dayay in ciidamada uu ku qanciyo inay lacag qaataan si ay usii daayaan.

Dhinaca kale taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ayaa sheegtay in la qabtay oo xabsiga la dhigay 23 askari oo lagu eedeeyay inay musuq maasuq sameeyeen.

Ganacsato ayay sidoo kale sheegtay inay qeyb ka ahaayeen dadka ay qabteen ciidamada amaanka, islamarkaana dhawaan cadaalada la horkeeni doono, maadaama ay sameeyeen musuq maasuq.

Walow aysan cadeyn nooca musuq maasuqa, haddana askarta qaar ayaa ku eedeysan inay laaluush ka qaadayeen gaadiidka qaar, iyaga oo u ogolaanayay inay ka gudbaan goobaha ay joogaan.

Ciidamada Dowladda ayaa wixii ka dambeeyay 30-kii bishii tagtay Maarso waxa ay kordhiyeen howlgalada lagu sugayo amniga Caasimadda, waxaana kormeerayay guddiga Xukuumadda ay u xilsaartay.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this