Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo Loo Haysto Lacag Ay U Adeegsatay Si Gaar Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar ayaa la sheegay in lagu hayo baadhitaan la xidhiidha inay 6,000 oo Dollar oo loogu talagalay Ololaheeda Doorashadda u adeegsatay si Shaqsiyadeed, iyadoo Kharashkaasi qeyb ka yahay Lacag-bixinta Furriinkeeda iyo Socdaal ay ku tegtay magaalada Boston iyo dalka Estoniya.

ILHAAN-CUMAR.jpg

Saraakiisha Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota ayaa ku waramay inay dhammaystireen Baadhitaankooda ku aadan Eedeynta lagu sheegay inay Ilhaan Cumar ku xad-gudubtay Dhaqaalaha loogu tabarucay Ololaheeda Doorashadda.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga oo bilihii la soo dhaafay qabsatay shaashadaha bulshada, kadib markii ay dhowr jeer hadal-faalleyn ama Comments ka bixisay Arrimaha Israa’iil.

Xildhibaanada oo ah mid ka mid ah Haweenka Muslimiinta ee Novembertii tegtay loo doortay Kongareeska Maraykanka waxay beenisay inay Lacagihii Ololaheeda loogu deeqay ay u adeegsatay Furiinkeeda, waxay kale oo ay sheegtay in dib u celisay 2,500 oo Dollar oo ay ka qaadatay Jamaacdo ku yaalla Gobalka Minnesota.

Eedeymaha haatan la baadhayo waxaa Ilhaan Cumar horey u sameeyey Xildhibaan Istefe Darazkowiski oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi, waana markii 3-aad oo Ilhaan Cumar lagu eedeeyo inay si khaldan u isticmaashay Lacagihii Tabarucaadda ee Ololaheeda Doorashadda ee uu horey u soo bandhigay Xildhibaankaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota ayaa la filayaa inay soo saaraan natiijada Baadhitaankooda bisha soo socota ilaa 6 toddobaad, iyadoo Eedeymaha loo haysto Ilhaan Cumar u muuqdaan in la siyaasadeynayo, maadaama ay si qayaxan u soo bandhigto Aragtideeda ay dhibsadeen Maamulka Trump iyo kuwa Israa’iil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this