Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan cusub oo lagu doortay M/ Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xarunta Golaha Shacabka ayaa maanta waxaa lagu qabtay doorashada kursi ka banaanaa BFS, kaas oo uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Cismaan Cilmi Boqore oo bishii la soo dhaafay lagu dilay magaladda Muqdisho

Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo uu dhalay xildhibaanka geeriyooday iyo Axmed Cismaan Xaashi.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ayaa sheegtay in Cadnaan uu helay 48 cod, halka murashaxii la tartamayay uu helay 2 cod, waxaana halaabay hal cod,  Guddiga doorashada ayaana ku dhawaaqay in kursiga xildhibaanimo uu ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore.

Xildhibaan Cadnaan ayaa bedali doona Allaha u naxariistee Aabihiis Boqore oo 23-kii Bishii Febaraayo ee Sanadkan lagu dilay degmada Kaaraan ee G/Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this