Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilka xildhibaan Boqorre oo kursigii aabihiis buuxiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashp maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, oo aheyd buuxinta kursi ka bannaanaa golaha shacabka, ayaa waxaa ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah wiilka uu dhalay xildhibaankii horay loo dilay ee Cismaan Boqore.

Cadnaan Boqore ayaa waxaa la tartamay Axmed Cismaan Xaashi, laakin dad badan oo doorashada ku dhowaa waxaa ay sheegeen in ninka dambe uu ahaa magac u yaal.

51 ergo ayaa codkooda dhiibtay, waxaana ay u kala heleen musharixiinta Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo helay 48 Cod, halka Axmed Cismaan Xaashi uu helay 2 Cod, hal cod wuu halaabay, waxaana  Guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in kursiga Xildhibaanimo uu ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore.

Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa qofka ugu da’ weynaa baarlamaanka 10-aad ayaa 23-kii Bishii Febaraayo ee 2019 lagu dilay degmada Kaaraan ee maagalada Muqdisho. Boqorewaxa uu kasoo jeeday Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this