Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidamada dowladda oo maqaayad kala baxay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada gaarka u tababaran ee Gaashaan ayaa la sheegay in xalay maqribkii ay maqaayad kala baxayn nin hore uga tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah dadkii ku sugnaa maqaayadda ninkaan lagala baxay oo ku taala Tareedisho ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka la qabtay uu kamid ahaan jiray Saraakiisha Al-Shabaab ee degaankaasi balse markii dambe uu ka baxay.

Ninka la soo qabtay ayaa magaciisa lagu soo koobay Maxamuud waxa uuna ka tirsanaa Shaqaalaha Maqaayadda, gaar ahaan qaybta cuntada karisa.

Ciidamadaan oo hubeesnaa ayaa la sheegay in ay watayn dhowr gaari waxayna si deggan maqaayadda qaybta kushiinka ay kala baxayn ninkaan oo markaas shaqo ku jiray, iyagoo dadkii ku sugnaa ka dalbaday in ay si dejiyaan.

Ma jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen mas’uuliyiinta amaanka. Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiinta amniga ee Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay mar dambe faah faahin ka bixin doonaan howgalkaan iyo kuwa kale oo ay ka sameeyeen Xaafado kamid ah Muqdisho.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this