Deeq A. Posted April 2, 2019 Jigjiga (SMN) – Shirkii 10-aad ee Xisbiga haya talada dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee (SPDP) ayaa ka furmay magaalada Jigjiga, kaasi oo uu ka qeybgalayo Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo mas’uuliyiin kale. Kulankan oo uu socon doono illaa maalinta berri ah, 3-da April ayaa looga hadlayaa doorashada hogaanka Xisbigan iyo xubanaha gollahiisa dhexe, iyadoo ay tallaabadan qeyb ka tahay isbedelka gobolka ka socda. Waa shirkii ugu horeeyay oo Xisbiga uu yeesho tan iyo markii xukunka laga tuurey Madaxweynahii hore ee dowlad degaanka, Cabdi Maxamed Cumar bishii August ee sanadkii tagey 2018. Xubno ka socda xisbiga EPRDF, ee ah midka hadda dalka Itoobiya maamulaya ayaa ka qeybgalaya Shirka Jigjiga, kaasoo la filayo inuu Madaxweyne Mustafe loogu doorto gudoomiye ku xigeenka Xisbiga SPDP. Mustafe Cagjar oo horey usoo noqday sarkaal katirsan QM ayaanan kamid ahayd xubnaha Xisbiga haya talada dowlad degaanka, waxaana uu doonayaa inuu hogaanka u qabto si ay ugu fududaato qorshihiisa isbedelka. Shirka socda ayaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aanno isbedel loogu sameynayo qaab dhismeedka Xisbiga oo mas’uuliyiinta ugu sareeya ay kamid ahaayeen maamulkii hore ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Madaxweynihii isaga ka horeeyay ayaa la dhigay Xabsi ku yaalla Addis Ababa sanadkii lasoo dhaafay kadib markii lagu eedeeyay inuu galay demiyo ka dhan ah bini’aadanimada iyo kicinta rabashado qowmiyadaha degan dowlad degaanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites