Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DFS oo la wareegay deegaano hor leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/ Hoose.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgallo laga sameeyay gobolkaasi.

Waxa uu sheegay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen si nabad galyo ah deegaanada Baladul-Amiin, Cumar Beer, Sabiid iyo Caanoole.

“Howlgalada sidii loo qorsheeyay ayay u dhaceen, Saaka waxaan la wreegnay deegaanka Baladul-Amiin, waxaan sidoo kale Al Shababaab ka saarnay Cumar Beer oo aheyd meel ay dhigtaan Hantida , Sabiid iyo Caanoole ,waxaan la wareegnay shalay gelinkii dambe, way iska cararayaan marka uu howlgal bilowdo, dad awood leh oo dagaalami kara maaha”.ayuu yiri Taliye Jeeniqaar.

Sidoo kale Gaashaanle Cabdiraxmaan Sheekh Cumar ayaa intaasi ku daray in ay qabsadeen Gaadiid iyo Dukumiintiyo ay ka carareen Al Shabaab.

“Waxay ka carareen oo aan gacanta ku dhignay Dukumiintiyo ay baad kaga qaadi jireen Shacabka iyo Gaadiid ay ka carareen, sidoo kale Gaadiid ay qaraxyo ku buuxiyeen ayaan qarxinay, halka kuwa kalena ay la carareen, Ciidanka ayaana ku daba jira”.ayuu mar kale yiri taliyaha Ururka 4-aad ee Ciidanka Danab.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Maalmihii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xoojiyay dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose K/ Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this