Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Garoowe oo laga dhagax-dhigay afar waddo oo laamiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta dhagax-dhigay, afar waddo oo laamiya oo laga hirgelin doono caasimadda Puntland ee Garoowe.

Waddooyinkan laamiga oo la saarayo jidadka Alnasar, Global, Jillab iyo SYL, waxaa lacagtooda ku deeqay Baanka adduunka, waxaana dhisaysa shirkadda TTN ee dalka Turkiga oo ay kormeerayso hay’adda UNOPS.

Shirkadda TTN ee laga leeyahay dalka Turkiga oo hore u dhistay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Garoowe ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan ku guulaysatay qandaraaska dhismaha waddooyinkan laamiga.

Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhiga, ayaa u mahadceliyay dhammaan dhinacyada ka qeyb qaatay in mashruucan laamiyada uu guulaysto, isagoo sheegay in heerki fulinta oo keliyah ay u hartay.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa sheegay in uu aqoon fiican u leeyahay shirkadda TTN, islamarkaana uu kalsooni buuxda ku qabo in ay laamiya qurux badan oo raandhiis leh ka hirgelin doonto caasimadda.

Caasimadda Puntland ee Garoowe oo ku jirta magaalooyinka ugu amniga badan geeska Afrika, ayaa sidoo kale waxa ka socda mashaariic baaxad leh oo dhanka horumarka.

Magaaladan kulansatay bilicda iyo amniga ayaa si weyn u soo jiidatay shirkadaha caalamiga ah ee ganacsiga iyo maal-geshiga oo uga yimaada dunida dacalladeeda.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Garoowe oo laga dhagax-dhigay afar waddo oo laamiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this