Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Xalane oo digniin laga soo saaray -Weeraro iyo qaraxyo kale oo ku soo wajahan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Digniino hor leh oo dhanka amaanka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay laga soo saaray xafiisyada hey’adaha amaanka ee ku sugan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Xogta la helay oo ay baahiyeen hey’adaha Sirdoonka ee ajnabiga ah ayaa sheegaysa in ay suurta gal tahay in Al-Shabaab ay weeraro ku qaadan dhowr meel oo target u ah sida lagu sheegay warbixinta ay shaaciyeen Sirdoonka ku sugan Xalane.

Weerarada ayaa la sheegay in ay isugu jiri karaan, Qaraxyo dagaal toos ah waana laga yaabaa in ay noqdaan Qarax oo kaliya ayaa lagu yiri xogtaan laga helay Xalane.

Meelaha ay Suurta-galka tahay in ay ka dhacaan weeraradaan ayaa la sheegay in ay kamid yihiin baro kantarool iyo Goobo Ganacsi oo ku yaala agagaarka KM4 iyo Sidoo kale waxaa kamid ah Gooba kale oo ganacsi ah kuna yaala agagaarka Airport-ka Muqdisho sida lagu sheegay xogta laga helay Xalane.

Hay’adaha qoraalkaan baahiyay ayaa sidoo kale sheegay in ay suurtagal tahay in weerarada lagu qaado Xalane iyo Saldhigyada kale AMISOM iyo hey’adaha Ajnabiga ah.

Arrintan ayaa hoggaamisay in shalay shaqaalaha Soomaalida ah ee ka dhex shaqeeya xarunta Xalane loo diiday inay xarunta galaan, taasi oo qeyb ka ahayd ammaanka oo la adkeeyey. Halakn ka aqri warkaas.

Digniintaan cusub ayaa soo baxaysa iyadoo ay xiran yihiin inta badan Wadooyinka magaalada Muqdisho, Dowladda Soomaaliya-na ay ku dhawaaqday howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameeyo Xaafadaha magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this