Deeq A. Posted April 2, 2019 Marka (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa go’doomiyey magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose kaddib markii ay magaaladaasi dhowr bilood ka hor si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Lixdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la sheegayaa in magaalada Marka uusan gelin wax raashin ganacsi ah ee ka geli jiray dhicanyada Muqdisho iyo Jannaale. Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay in sare u kaca ku yimid cuntada magaaladaas ay sabab u tahay go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab. Waafoow oo dhawaan dib loogu soo magacaabay guddoomiyaha Marka ayaa sheegay in go’doonka la geliyay magaalada ay ka warqabaan sidoo kalena la wadaageen dowladda federaalka ah. Cabdullahi Waafoow ayaa sheegay in uu socdo qorshe maalmaha soo socda Al-Shabaab looga saarayo gobolka Shabeellaha Hoose la iskuna furayo Waddada xiriirisa Marka iyo Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Marka caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites