Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Si Kulul Uga Hadlay Waaran La Sheegay In Loo Jaray Ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa si kulul u beeniyay in xukuumaddu gacanta ku hayso waaran ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo la sheegay in dawladda Jabuuti dacwaynayso.

kaahin.png

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa kana hadlay arrimaha doorashooyinka ayay wariyeyaashu waydiiyeen arrinta sida weyn loo hadal hayay ee ganacsade Ina Geelle waxaanu sheegay in arrintaasi la been abuuray meelna lagaga dhacay ganacsadaha.

Waxa uu sheegay in aanay hayn waaran “Ma haynaba arrinkaas, anigu arrinkaas ma hayno wasiirka Daakhiliga aniga ah oo dee aniga ayuu iigu hor iman lahaa, arrinkaasi waa la been abuuraya, ganacsadahaana meel baa lagaga dhacaya, waaran wax la yidhaa oo aanu hayno oo Axmed Cismaan Geelle loo soo gooyay ma hayno, cidda sheegaysana waa cid sheeko abuur iyo arrimo kale iyo ujeedooyin kale leh,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin.

Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this