Sign in to follow this  
Deeq A.

K/ Africa oo cambaareysay dilalka Soomaalida ee dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Cape Town (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda South Africa ayaa lagu sheegay inay si kulul u cambaareynayso weerarada iyo dilalka dadka Soomaalida ah loogu geysto gudaha dalkaasi.

Hay’adaha amniga dalka South Africa ayaa lagu amray inay si deg deg ah cadaaladda u horkeenaan kooxaha gaangistarada ee ka dambeeyay dilalka arxan darrada ah ee loo geysto dadka soo galootiga ah, oo ganacsato Soomaaliyeed ay ku jireen.

Afhayeenka booliska South Africa ayaa sheegay in tacadiyadda iyo dilalka ay noqdeen kuwa joogto ah, oo ka dhacaya inta badan degaanada fog, oo aysan joojin ciidamada, halkaasi oo lagu beegsado goobo ganacsi oo Soomaali leeyihiin.

Maalintii Arbacada ee lasoo dhaafay ayaa ku dhawaad 400 oo ajnabi African ah maciin biday inay naftooda ku bdbadiyaan masjid ku yaalla magaaladda Duran, iyagoo kasoo cararay tuulooyinka ay gaangistarada dadka ku leynayaan.

Dalka South Africa ayaa martigelinaya malaayiin kasoo jeeda dalalka Africa, oo ay kamid yihiin kuwa u dhashay Mozambique, Zimbabwe, Somalia, Ethiopia iyo Malawi.

Weerarada ka dhanka ah dadkan ajnabiga ah oo ay geysanayaan madow ku beeran baceybka soogalootiga ayaa sii kordhayay sanadihii lasoo dhafaay, iyadoo dhalainyaro badan oo Soomaali ah lagu dhex dilay meheradahooda ganacsi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this