Deeq A. Posted April 2, 2019 Afgooye (SMN) – Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee shalay la wareegay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Gaari Booyad ah oo Al Shabaab u diyaarinayeen in ay ka buuxiyaan walxaha qarxa, kaas oo ay ku sheegeen in lagu wax-yeelleeyn rabay shacabka Soomaaliyeed. Ka dib dagaal muddo kooban socday oo u dhexeeyay Ciidamada DFS iyo Alshabaab oo dhacay shalay ayaa , waxaa ugu suura gashay Ciidanka XDS in gabi ahaan ay la wareegaan Deegaankaasi Sabiid. Howlgalkaas ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Gaarka ah ee komaandoosta Danab oo qeyb ka ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in in intii uu socday howlgalkaasi lagu soo qab qabtay Xubno ka tirsan Al Shabaab walow tiro ahaan aysan cayimin. Ma jiro wax war ah oo Al Shabaab ay ka soo saareen hadalka ka soo baxay dowladda Somaliya ee ku aadan Gaariga Walxaha Qarxa sida ee dowladdu sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay. Dhaqdhaqaaqyada dowladda Somalia ay ka bilowday Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo beegmaya kadib markii dhawaan dowladda Somalia ku dhawaaqday in Howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Al Shabaab ka billaabeyso Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada Dalka Somalia. View the full article Share this post Link to post Share on other sites