Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaritaan Musuq-maasuq oo ku socdo Ilhan Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Saraakiisha doorashada ee gobolka Minnesota ayaa soo dhameystirey baaritaankooda ku aaddan xadgudub maaliyadeed oo lagu eedeeyay inay ku kacday Xildhibaanad Ilhan Omar oo katirsan Koongareeska dalka Mareykanka.

Gabadhan oo asalkeedaa Soomaali yahay ayaa la sheegay inay dano shaqsiyadeed u adeegsatay lacago gaarayao $6,000  [Lix Kun oo dollar], oo loogu talo galay ololaheedii doorashada Kursiga Koongareeska sanadkii tagey.

Ilhan Omar oo katrsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa kamid ah labo gandhood oo Muslim ah oo markii ugu horeysay taariikhda ku biira Koongareeska wadanka Mareykanka bishii November ee sanadkii 2018.

Waxaa lagu eedeeyay Ilhan Omar inay u isticmaashay lacagta olole si ay u bixiso qareenka kiis furiin ah iyo safarro ay ku bixisay Boston iyo Estonia.

Eedeymahan ayaa waxay soo ifbaxey sanadkii lasoo dhaafay, waxaana soo jeediyay guddiga maaliyadda ee doorashooyinka ee gobolka Minnesota, waxaana lagu wadaa in najiitadda inuu shaaciyo bisha soo socota.

Dhinaca kale, Ilhan Omar ayaa beenisay eedeymaha loo soo jeeday ee ah in lacagihii doorashadeeda u adeegsatay kiis furiin ah oo maxkamad uga socday.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this