Deeq A. Posted April 2, 2019 Baladweyne (SMN) – Taliyaha saldhigga Booliska degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Gaashaanle Maxamed Macow Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa qeylo dhaan ka muujiyay xalaado dhinac nolosha ah oo ka taagan gobolkaasi. Taliye Xalane ayaa dowladda Soomaaliya iyo Ganacsatada ugu baaqay in ay gurmad Bani’aadanimo u fidiyaan dadka ku dhibaateysan G/Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale taliyuhu waxa uu tilmaamay in dowladda dhexe iyo HirShabelle looga fadhiyo in ay wax ka qabtaan diidmada lacagta shilinka Soomaaliga oo aan haatan laga isticmaalin guud ahaan gobolka. In ku dhow labo Sano Hiiraan lagama isticmaalin shilinka Soomaaliga, waxaana gobolkaasi wax lagu kala iibsadaa kaliya lacagta Dollarka Mareykanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites