Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaanka dhaqanka bariga Sanaag oo go’aan midaysan ka qaatay ciidamada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddi ka kooban cuqaal, nabaddoono iyo guurti oo  ka tegay degmada  Badhan ee bariga gobolka Sanaag ayaa maanta gaadhay magaalada Ceerigaaabo ee xarunta gobolkaasi.

Guddiga oo laga soo xulay shir mudda todobaad ah degmada Badhan uga socday hoggaanka dhaqanka ee beesha bariga Sanaag ayaa loo diray in ay waxgaradka iyo isimada galbeedka Ceerigaabo uga ergoodan ciidamada Somaliland ee ku sugan degmada Yubbe  kadib markii uu fashilmay dadaal lagu doonayey in ciidankaasi dib loogu celiyo tuulada Biya-guud ee isla gobolka Sanaag.

Wefdigan ergada ayaa la sheegay in ay sidaan qoraal ka soo baxay hoggaanka dhaqanka beelaha bariga Sanaag oo go’aan midaysan ku gaadhay in aan loo sii dulqaadan doonin ciidamada Somaliland ee jooga degmada Yubbe islamarkaana ay dacwo uga yihiin beelaha ay ciidamadaasi ka soo jeedan ee galbeedka Ceerigaabo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna la sheegaya in uu dhowaan diiday go’aan  ka  soo baxay xubno ka tirsan hoggaanka dhaqanka ee bariga iyo galbeedka Sanaag kuwaasoo u soo jeediyay in ciidamada uu ka saaro degmada Yubbe uuna ku celiyo tuulada Biya-guduud ee isla gobolkaasi.

Warar hoose ayaa sheegaya in Muuse Biixi uu diidmadiisa ku saleeyay in beelaha bariga Sanaag aysan dhammaantood ka soo wada-horjeedin ciidankiisa sida uu hadalka u dhigay taasi oo keentay in guud ahaan hoggaanka dhaqanka bariga Sanaag ay shir ku yeeshaan degmada Badhan kadibna go’aan midaysan laga soo saaray.

PUNTLAND POST

The post Hoggaanka dhaqanka bariga Sanaag oo go’aan midaysan ka qaatay ciidamada Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this