Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo DF la wadaagay qorshe lagu xaqiijinayo amaanka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan amaanka magaalada Muqdisho, weerarada Al Shabaab ka geystaan Hirshabeelle iyo gadoodka ciidamada dowladda.

Madaxweyne Waare, ayaa ugu horeyn sheegay in ciidamada dowladda ee dhawaan gadoodka sameeyay ay wateen hub aad u badan, isaga oo la yaabay in ciidamo wata hubkaasi badan ay ka adkaan waayaan Al Shabaab.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya uu u gudbiyay hanaanka lagu xaqiijin karo amaanka magaalada Muqdisho, islamarkaana loo baahan yahay dhaqan gelinta talooyinka dhanka amaanka.

Sidoo kale wuxuu cadeeyay in amaanka magaalada Muqdisho iyo amaanka Hirshabeelle ay isku xiran yihiin, islamarkaana loo baahan yahay in amaanka si wadajir ah loo adkeeyo si looga guuleysto Al Shabaab.

Ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan sameeyay gadood ay kaga cabanayaan mushaar la’aan ku dhacday muddo afar bilood ah, walow markii dambe la qanciyay kadib markii wasiiro ay tageen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waare wuxuu sheegay in ciidamada amaanka ay iska kaashan karaan adkeynta amaanka, dowladdana looga baahan yahay inay dhiiri geliso ciidamada si looga guuleysto Ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Hubkii cuslaa iyo Ciidamadii faraha badnaa ee ka soo muuqday Telefishinnada iyo baraha bulshada iyada oo ay heystaan Reer Hirshabeelle, Al-shabaabna dhulka heystaan ay tahay wax aan sax ahayn

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this