Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulista Xeer-beegtida Kiiska Maxamed Nuur Oo Ahaa Sarkaal Ka Tirsanaa Booliska Mareykanka Oo Billaabanaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Minneapolis)-Waxaa shalay billaabaneysa xulista xeer-beegtida maxkamadda sarkaal Soomaali-Mareykan ah oo horey uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, kaasi oo dilay haweeney u dhalatay dalka Australia oo aan hubeysneyn kadib markii ay wacday lambarka 911, si ay ugu war-geliso isku day kufsi.

87D2822D-4597-4CE2-BCF2-7C25325D7AC3_cx0

Maxamed Nuur oo 33 jir ah ayaa waxaa bishii July ee 2017 lagu soo oogay dacwad la xiriirta dhimashada Justine Ruszczyk Damond. Kiiskan ayaa soo jiitay dareenka caalamka, waxaana shaqadeeda ku weysay madaxii booliska Minneapolis.

Dacwad-oogayaasha ayaa Maxamed Nuur ku soo oogay saddex dacwad oo kala ah, dil heerka labaad oo ula kaca ah, dil heerka saddexaad ah iyo dil heerka labaad oo aan ku talo-galay ahayn.

Waxay sheegeen inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in Maxamed uu wajahayey halis ku qasbi kartay inuu awood dhimasho leh isticmaalo.

Dacwad-oogayaasha ayaa qasab ay tahay in caddeeyaan in Maxamed uu u fal-celiyey si aan qiil lahayn, markii uu toogtay Damond oo ahayd 40 jir isku haysatay dhalshooyinka Mareykanka iyo Australia.

Qareenada Maxamed Nuur ayaa qorsheynaya inay ku doodaan inuu si qiil leh awood u isticmaalay, isaga oo naftiisa difaacaya.

Maxamed Nuur ayaa diiday inuu la hadlo baarayaasha, islamarkaana qareenadiisa ayaan weli caddeynin inuu maxkamadda ka hor marqaati furi doono iyo in kale.

Xeer-beegtida ay suurta-galka tahay in la xusho maanta, ayaa la siin doonaa tababar kooban, ayada oo xulshadana ay xigi doonto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this