Deeq A. Posted April 2, 2019 (SLT-Riyadh)-Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa daldashay haweenay Nigeria u dhalatay oo lagu helay inay daroogo ka ganacsanaysay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa warbaahinta dawladda. Haweenaydan ayaa lala daldalay laba nin oo reer Pakistan ah iyo nin kale oo Yaman u dhashay. Xukunkan dilka ah ayaa lagu fuliyay magaalada barakaysan ee Maanta Isniintii. Sacuudiga ayaa sannadkan xukun dil ah ku fuliyay dad kor u dhaafaya 53 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP. Xukuumadda Sacuudi Carabiya ayaa ka dhago adaygtay caddaadiska ay saareen kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda, iyaga oo ka dalbanayay in ay meesha ka saarto xukunka dilka ah, Sacuudiga ayaana sheegay in dilku uu dambiyada yareeyo. Source Share this post Link to post Share on other sites