Deeq A. Posted April 2, 2019 Muqdisho (SMN) -Waxaa maanta lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka, kaas oo uu ka Geeriyooday Marxuum Cismaan Cilmi Boqore oo 23-kii February ee sanadkan lagu dilay degmada Kaaraan ee G/ Banaadir. Guddiga doorashooyinka Qaranka ma shaacin tirada musharraxiinta u tartameysa Kursigaasi. Balse wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha tartamaya uu ku jiro mid ka mid ah Caruurtii uu dhalay Xildhibaanka Geeriyooday. Allaha u naxariistee Xildhibaan Boqore ayaa ka mid ah guddiga difaaca BFS, waxaana uu door fiican ka soo qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites