Deeq A. Posted April 2, 2019 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaraaha XFS Xasan Cali Khayre oo la hadlayay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay tira koobka Ciidamada dowladda oo ay wado xukuumaddiisa. Waxa uu sheegay in haatan la diiwaan galiyay illaa 16203 Askari oo ka mid ah Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa xuusay in Ciidamadaasi ay si toos musharaadkooda u qaataan, islamarkaana bil weliba ay ugu soo dhacdo Akoono ay leeyihiin. Sidoo kale waxa uu uu tilmaamay ra’iisul wasaaruhu in weli uu socda tirakoobka, islamarkaana uu marayo meel wanaagsan. Tallaabadan ayuu sheegay in qeyb ay ka tahay dib u habeen ay dowladda federaalka ku sameyneyso Ciidamadeeda. Bilihii la soo dhaafay DFS ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waday qorsheyaal guud oo lagu hormarinayo Ciidamada Qaranka, dibna loogu soo nooleynayo sharaftii ay lahaayeen bariisaamaadkii, si dalku uu u yeeshay Ciidan awood leh. View the full article Share this post Link to post Share on other sites