Sign in to follow this  
Deeq A.

Biyo la’aan baahsan oo weli ka jirta gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Wararka naga soo gaarayaG/Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ay ka sii dartay xaaladda biyo la’aaneed ee gobolkaasi.

Meelaha ugu daran ee haatan xaaladaha nololeed ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Farmojawaaley iyo kuwa kale oo dhacay gobolka Hiiraan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka xoogan ee ka jira halkaasi.

Waxaana uu sheegay in halkii Foosto oo biyo ah la kala siisanayo lacag dhan 10 Dollar  oo u dhiganta 250 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Biyo la’aanta baahsan ee ka jirta Hiiraan ayaa waxaa loo sababeynayaa guritaanka Wabiga Shabelle oo ay ku tiirsanaayeen dadka ku dhaqan gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this