Deeq A. Posted April 2, 2019 Baladweyne (SMN) – Wararka naga soo gaarayaG/Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ay ka sii dartay xaaladda biyo la’aaneed ee gobolkaasi. Meelaha ugu daran ee haatan xaaladaha nololeed ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Farmojawaaley iyo kuwa kale oo dhacay gobolka Hiiraan. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka xoogan ee ka jira halkaasi. Waxaana uu sheegay in halkii Foosto oo biyo ah la kala siisanayo lacag dhan 10 Dollar oo u dhiganta 250 kun oo shilinka Soomaaliga ah. Biyo la’aanta baahsan ee ka jirta Hiiraan ayaa waxaa loo sababeynayaa guritaanka Wabiga Shabelle oo ay ku tiirsanaayeen dadka ku dhaqan gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites