Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo malaayiin dollar ugu yaboohday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Hay’adda Gargaarka degdega ee Qaramada Midoobey [UNOCHA] iyo sanduuqa bini’aadanimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in 45.7 milyan oo dollar oo wax looga qabanayo abaar ka jirta gobollo ku yaalla waqooyiga dalka Soomaaliya.

Mark Lowcock, oo ah kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani-aadamnimada iyo Iskuduwaha Gargaarka Degdegga ah, ayaa sheegay in 12 milyan oo doolar oo kamida lacagtaan loogu talo galay in si degdeg ah looga jawaabo cunno yari baahsan oo ka jirta gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Lowcock ayaa intaasi ku daray in dad gaaraya 823,000 oo qof ay qarka u saaran yihiin inay gaajo u dhintaan, kuwaasoo u baahan inay helaan gurmad degdeg ah oo raashiin iyo biyo nadiif ah isagu jira.

“Yaboohan lacageed waaxay awood u siin doontaa hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya in ay cunto iyo biyo nadiif ah, iyo daryeel caafimaad iyo taageero waxbarasho waqtiga ugu gaaban ay gaarsiiyaan meelaha ay baahidu ka jirto,” Lowcock ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in kabadan 4.2 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah sannadkan, oo ay ku jiraan 900,000 carruur ay nafaqo-xumo ba’an hayso.

Lowcock wuxuu sheegay in lacagta loo isticmaali doono gargaarka cuntada ee gobollada Awdal iyo Woqooyi Galbeed, iyo nafaqada, caafimaadka, iyo biyaha iyo fayadhowrka iyo nadaafadda ee gobollada Sool, Sanaag iyo Bari.

“Waxaan mudnaan siin doonaa carruurta, haweenka, waayeelka, iyo dadka naafada ah, kuwaas oo si xun u dhibaateeyey abaarta iyo iskahorimaadyadu ka jira waqooyiga Soomaaliya,” ayuu raaciyay Lowcock.

Xaaladda sugnaan la’aanta cuntada ee Soomaaliya ayaa ka sii daraysaa, gaar ahaan waqooyiga, iyo qaybo ka mid ah bartamaha dalka sababtuna tahay roobabka xilliga Deyrta oo si wanaagsan u da’in.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this