Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaliimo Yarey “Howlo badan ayaa nooga xayiran Baarlamaanka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey ) guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan oo ka hadleysay Aqalka Sare ayaa shaaca ka qaaday in labada gole ee BFS ay uga xayiran yihiin howlo fara badan oo ku aadan arrimaha doorashooyinka ee sanada 2020-ka.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in labada Aqal looga fadhiyo meel marinta sharuucyadii lagu hagi lahaa doorashooyinkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay hadii ay ku heshiiyaan siyaasiyiinta, islamarkaana la dhameystiro dastuurka ay  ka guddi ahaan qaban karaan doorasho qof iyo cod ah.

Hadalkan ayey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka ka jeedisay munaasabadda furitaanka Kalfadhiga shanaad ee golaha Aqalka Sare oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this