Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafti culus oo ka socda Midowga Yurub iyo UK oo maanta tagaya Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Wararka ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in maanta ay magaalada Hargeysa kusoo wajahan-yihiin Wefdi ka socda Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska.

Wafdigan lagu wado inay yimaadan caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa u badan safiiro kasocda wadamadaas, iyaga oo aan weli wax-faahfaahin laga helin intay ka koobanyihiin wafdigan.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan madaxtooyada Somaliland, ujeedka wefdigan ayaa ah sidii arrimaha doorashada Somaliland ugala hadli lahaayen xisbiyad iyo Xukuumad Somaliland, kuwaasi oo xoog ku saari doona sidii doorashooyinka deegaanka iyo baarlamaankuba ay wakhtigooga ku qabsoomi lahaayen.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in ujeedka Wafdigan aysan ka madhneyn arrimaha wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Si kastaba, Wafdigan maanta iman doona Magaalada Hargeysa, ayaa kusoo beegmaya xili shalay uu xisbiga Waddani shaaciyey inay isku fahmi waayen arrimaha doorashooyinka xisbul xaakimka Kulmiye.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this