Sign in to follow this  
Deeq A.

Biixi oo ganacsade caan ah u gacan-gelinaya Jabuuti iyo beeshiisa oo dhaaratay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi, ay bixisay amar lagu soo qabanayo Ganacsade weyn oo kamida ganacsatada Somaliland.

Wasaarada Cadaalada Somaliland ayaa soo saartay warqad amar ah oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka, taasi oo lagu amrayo qabashada Axmed Cismaan Geelle oo ah ganacsade weyn oo reer Somaliland.

Warqadan qabasho ee kasoo baxday xafiiska wasiirka Cadaalada ayaa waxa lagu sheegay in Ganacsade Axmed Geelle uu fal-dambiyeed ka galay wadanka Jabuuti, loona dhiibi doono dalkaas.

Ganacsade Axmed Geelle ayaa hadii lagu guuleysto soo qabashadiisa, waxa loo dhiibi doona dowladda Jabuuti, taasi xukuumada Biixi ku andacooneyso in uu fal-dambiyeed ka galay dalkaas.

Geesta kale, Beesha Arab ee uu kasoo jeedo Ganacsadahan ayaa xalay kulan balaadhan oo ay iskugu yimaaden magaalada Hargeysa, ugu baaqay in Madaxweyne Biixi uu fiiro-gaara u yeesho arintan wasaarada Cadaaladu ku dooneyso in ganacsade Axmed Geelle loogu gacan galiyo Dowladda Jabuuti, iyagoo ku hanjabay haddii wax laga qaban waayo arrintan ay nabadgelyadu khal-khal geli doonto.

Halkan hoose ka akhriso warqada Wasaarada Cadaaladu ku amrayso qabashada Ganacsadahan.

thumbnail_warqad.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this