Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Taliyihii ciidamada sirdoonka ee Muqdisho oo xilka laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha taliyaha hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dharcada ee magaalada Muqdisho oo magaciisa lagu soo koobay Weeyax.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Fahad Yaasiin, ayaa xilka looga qaaday Weeyax, waxaana lagu badalay Ibraahim Macalim Cabdullaahi Joqof.

Joqof ayaa la dhashay Barafasoor Cabdiraxmaan Macalim Baadiyoow oo mar isu sharaxay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sababta xilka looga qaaday ayaa lagu sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada dharcada ee loo yaqaano Ciidamada amniga caasimadda kadib markii uu xumaaday amniga Muqdisho.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Fahad Yaasiin iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay doonayaan in la dhiso Ciidamo dharcad ah oo ka shaqeeyo xaafad kasta oo kamid ah magaalada Muqdisho waxaana in badan oo kamid ah Ciidamadii hore ee NISA qaarkood loo badalay dharcad kadib markii Ciidamadii NISA ee hubeysnaa Madaxweynaha baabi’iyay.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay is-beddelada cusub ee dowladda ay waddo ee la doonayo in lagu wanaajiyo amniga caasimadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this