Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabar Hindi ah oo qoyska ninkeeda Soomaaliga ah ay ku haysteen Soomaaliya oo lasoo bad-baadiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Fargelin uu sameeyay Ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa sahashay in dib dalkeeda ay ugu laabato ama la badbaadiyo Gabar Muslim Hindi ah oo Soomaaliya ay ku haysteen qoyska ninkeeda Soomaaliga ah.

Gabadha oo 31 sano jir ah oo lagu magacaabo Afreem Begum, ayaa laga badbaadiyay gacanta dad ay ehel yihiin ninkeeda oo Soomaali ah oo Muqdisho ay la joogtay, waxaana la badbaadiyay 28 Maarso ee sanadkaan.

Iyada iyo seddex gabdhood oo ay dhashay ayaana la filayaa inay ka degtay magaalada Mumbai ee caasimada dalka India 2 April.

Iyadoo India aysan wax safaarad ah ku laheyn Soomaaliya, ayaa waxaa la sheegay in xafiiska Sare ee India ee magaalada Nairobi ay ka qeyb qaateen badbaadinta, iyaga oo caawimaad ka helay booliska Soomaaliyeed.

Marka la eego sharciga Soomaaliya, Hooyada lama safri karto caruurta marka ay kala baxeyso dalka, iyada oo aan ogolaansho ka heysan aabaha dhalay caruurta, waxaana arintaasi la sheegay inuu soo farageliyay ra’iisul wasaaraha India Mr Modi, kaasi oo la hadlay madaxda Soomaalida isaga oo ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan gabadhaasi dib loogu celiyaa gurigeeda oo ku yaala gobolka Hyderabad.

Gabadha ayaa reerkeeda waxay ku nool yihiin Deegaanka Basharath Nagar oo ka tirsan gobolka Hyrderabad.

Sheekada Gabadha Hindiga ah ayaa bilaabatay sanadkii 2013 markii ay guursatay Maxamed Xuseen Ducaale oo Soomaali ah, waxaana xiligaasi Maxamed la sheegay inuu ka shaqeynayay Shirkad gaar loo leeyahay oo ku taala gobolka Hyderabad.

Walow Ducaale la sheegay inuu heystay Baasaboorka Canada, haddana qoyskiisa ayaa ku noolaa magaalada Muqdisho, balse Ducaale iyo xaaskiisa ayaa kasoo tagay India bishii July sanadkii 2018, markii Ducaale uu soo jeediyay inay booqanayaan qoyskiisa oo ku sugan dalka Soomaaliya, waxayna horey usoo kaxeysay seddexdeeda Gabdhood.

Siddeed bilood oo Gabadha Afreen ah, ay ka maqneyd India waxaa la sheegay inaysan wax xiriir ah la sameyn reerkeeda, sababtoo ah waxaa ay weysay WhatsApp ay kala xiriiri jirtay qoyskeeda, waxaase Afreen la sheegay inay caawin ka heli jirtay Gabar Muqdisho deris ay ku ahaayeen oo reerkeeda la xiriirin jirtay.

Bartamihii bishii labaad ee sanadkaan 2019, aabaha dhalay gabadha ayaa la xiriiray Wasaaradda arrimaha dibada oo fariinta usoo gudbisay magaalada Nairobi, halkaasi oo baaritaanka gabadha uu ka bilowday.

“Wuxuu ahaa kiis indhoolenimo ah,  ma aanan heynin cinwaanka guriga ay ka degen tahay Soomaaliya, Caasimada Muqdisho waa meel ay qaraxyo ka dhacaan inta badan, qoyska seyga Gabadhayda waa sida dagaal oogayaal oo kale, wuxuu ahaa howlgal adag”ayuu yiri Gabadha aabaheed.

Laakiin markii lagu guuleystay kadib, waxaa ku adkaatay inay caruurteeda kala duusho Muqdisho, kadib markii ay ku dhageen waaxda Socdaalka ee garoonka diyaaradaha, balse waxaa soo faregeliyay arinta ra’iisul wasaaraha India.

Ugu dambeyntiina waxay ka duushay Muqdisho Xili Duhur ah, iyada oo raacday Diyaaradda Ethiopian Airline oo geystay magaalada Addis Ababa, kadibna waxay ka dagi doonaan magaalada Mumbai 2 April

“Waxaan la walaacsanahy imaanshaha Afreen ee India. Kaliya markey soo cago dhigato ayaan dhoola cadeyn karnaa, waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa wasaarada arrimaha dibadda iyo ra’iisul wasaaraha. maxaa yeelay waxay dadaal badan ku bixiyeen inaan markale aragto Afreen iyo Gabdhaheeda”sidaasi waxaa yiri Afreen walaalkeed oo lagu magacaabo Syed Raheem Cali.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this