Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku-dhowaad 1,000 askari iyo gaadiid dagaal oo caawa ku wajahan Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Caawa Ciidamo ku dhow kun Askari oo katirsan Milateriga Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ay ku wajahan yihiin degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya.

Ciidamadaan oo u badan kuwa dhowaan tababar loo soo xiray kana tirsan Guutada 14-ka October ayaa la sheegay in ay loo diray in Al-Shabaab ay ka saaraan degaano iyo degmooyin katirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan degaanada ku dhow degmada Balcad iyo degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Basra iyo nawaaxigeeda.

Saraakiisha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Ciidankaan ay hogaaminayaan Saraakiil sare oo katirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, ujeedkana uu yahay in Al-Shabaab dalka laga saaro sida ugu dhaqsiayaha badan.

Xubno katirsan Guutada 14-ka Octoober ayaa Caasiamda Online u sheegay in Caawa ay ku baxayaan Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan aagga Balcad maalmo kadibna ay u jiheysan doonaan dhinaca Marka iyagoo maraya dhinaca Xeebta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalmo ka hor Wasaaradda Gaashaandhigga ka sheegay in dhowaan DF-ka Soomaaliya ay bilaabi doonto howlgalo dalka looga saarayo Al-shabaab, waxaana la sugayaa in dagaalka dhowana ka bilaawdo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this