Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Madaxweyne Erdogan Oo Guul-darrooyin La Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa guul-darrooyin xooggan ay ka gaadheen doorashooyinka dowldaha hoose ee dalkaas, ayada oo looga adkaaday magaalooyinka waa weyn ee dalka.

F825386B-26F5-48DF-B208-83A708920C2E_w10

Musharaxa xisbiga mucaaradka ee duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu ayaa 28,000 oo cod ka horreeya musharaxa xisbiga AKP ee talada haya Binali Yildirim, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga sare ee doorashada, Sadi Guven.

Natiijada doorashadii dhacday axaddii, ayaa muujineysa in xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP uu sidoo kale lumiyey magaalada Ankara, taasi oo lama filaan noqotay.

Imamoglu ayaa ku guuleystay 4,159,650 oo cod, halka musharaxa xisbiga AKP, ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Binali Yildirim uu helay 4,131,761 oo cod, ayada oo ay hareen kaliya 84 sanduuq codadkooda oo aan weli la tirin.

Labada musharax ayaa mid walba uu guul-sheegtay saacado kadib markii ay soo xidhantay codbixinta magaalada ugu weyn ee dalkaas ahna xarunta dhaqaalaha dalka.

Xisbiga Erdogan ayaa sidoo kale looga adkaaday magaalada Izmir, hase yeeshee taasi waxay ahayd mid la filayey, maadaama ay mucaaradka ku xooggan yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this