Deeq A. Posted April 1, 2019 Muqdisho (SMN) – Dilkan oo loo geystay wiil dhilinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaajle ayaa ka dhacay agagaarka Suuqa Ansalooti dhinaca degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Minashiibiyo ayaa la sheegay in uu geystay dilkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Aweys Maxamed, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa. Aweys Maxamed oo ah Aabaha dhalay Marxuum Ibraahim oo Shabelle ay kula kulantay goobta uu dilku ka dhacay ayaa dowlada ka dalbaday in cadaalada la horkeeno Askarigii ka dambeeyay dilka Wiilkiisa. Dilkan ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii dambe ay cabasho xoogan muujinayeen wadeyaasha mootooyinka Bajaajka ee ka howlgala M/Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites