Deeq A. Posted April 1, 2019 Afgooye (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay dilka Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan illaa 4 Askari ay toogasho ku dileen, kadib weerar gaadma ah oo ka dhacay gudaha degmadaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan dilka Askartaasi. Balse Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray meesha ay wax ka dhaceey ayaa baaritaano dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay halkaasi. Degmada Afgooye oo 30 KM K/ Galbeed ka xigta Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku ah amniga oo isugu jira dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites