Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Yaa lahaa dhul dowladda Soomaaliya u astaysay dhul diblomaasi?

Recommended Posts

Deeq A.   
DUQA-MUQDISHO.jpg?w=1000&ssl=1Duqa iyo Guddoomiyaha Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cabiraxmaan Yariisow ayaa 11-kii bishii la soo dhaafay ee Maarso 2019, soo saaray wareegto  uu ku sheegay in xaruuntii hore ee ciidanka badda Soomaaliya (Ex-Marino), gurigii Taliyaha ciiddankaasi oo ku yaala degmadda Cabdicasiis iyo dhulka dhanka badda ka xiga loo asteeyay dhul diblomaasi.

Haddaba waxaa arrintaas ka hadlay Cabdimaalik Maxamed Cali Dacar oo sheegay in dhul ku yaalla degmada Cabdicasiis xeebta Liido, duleedka xaruntii ciidanka badda Soomaaliya (Ex-Marino) oo kamid ah dhulkii dowladdu astaysay ay la haayeen.

Cabdimaalik ayaa soo bandhigay dukumintiyo muujinaya lahaanshaha dhulkaas oo lahaa Aabihiis Maxamed Cali  Dacar oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii Soomaaliya iyo SYL.

Sidoo kale Cabdimaalik ayaa sheegay in dhulkaas oo ay la haayeen 54 sano ay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ku haysteen dad uu kamid ahaa Muuse Suudi Yalaxow oo hadda kamid ah aqal sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Cabdimaalik ayaa codsi u diray madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday in ay dib u eegis ku sameeyaan go’aankii duqa Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Yaa lahaa dhul dowladda Soomaaliya u astaysay dhul diblomaasi? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this