Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga loo xil saaray qorshaha amniga Muqdisho oo war cusub soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii Golaha wasiiradda ee loo xilsaaray in ay ka soo talo bixiyaan qorshaha amniga Caasimadda, isla markaana ay isku xiraan bulshada iyo Ciidamadda ayaa kulankoodii ugu horeeyay xalay ku yeeshay degmada Wadajira ee Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Kalluumeysiga, Wasiirka Batroolka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiiru Dowlaha Duulista Hawada, Guddoomiye ku-xigeenada iyo Saraakiisha saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay amniga caasimadda iyo howlgalada ay ciidanka amniga ka bilaabeen xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale kulanka uu ahaa mid shacabka Gobolka Banaadir lagu fahamsiinayay iney qeyb ka noqdaan sugida amniga caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ka warbixiyay waxyaabaha looga hadlay kulanka iyo howlgalada ay ciidanka ka wadaan magaalada Muqdisho.

“Shirkii ugu horeeyay guddiga waxay noogu yimaadeen degmada Wadajir, waxaana warbixin ka siinay xaaladda guud ee degmada Wadajir iyo baahiyaha degmada ay qabto si loo sugo ama loo dardar geliyo amniga, guddigu waxay tageen isgoysyada kala duwan ee degmada Wadajir oo ay ka howlgalaan ciidamada loogu talagalay iney sugaan amniga si ay u ogaadaan xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidanka iyo baahiyaha ay qabaan ee ay tahay in Xukuumadda wax ka qabato, ”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Dhanka kale, Ciidanka Booliska degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa xalay xafadaha Nationka, Oorfane iyo Xaafadda Baariyow ee Degmadaasi ka bilaabay baaritaan guri guri ah oo amniga lagu xaqiijinaayo.

Sidoo kale, Ciidamada Booliska iyo Shacabka degmada Deyniile oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo dil ka geystay degmadaasi.

Wada shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka oo sii xoogeysta ayaa suurta gelin karta in cadawga si fudud looga sifeeyo dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this