Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorka Sacuudiga Oo Wacad Ku Maray In Aanay Oggolaan Doonin In Israa’iil Lagu Wareejiyo Buuraha Golan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tunis)-Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud waxa uu hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu maanta ka jeediyey Shirweynaha 30-aad ee Hoggaamiyayaasha dalalka Carabta uga furmay caasimadda dalka Tunisia ee Tunis.

BOQOR-SALMAANKA-SACUUDIGA-750x430.jpg

Waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay inay Dowladda Syria lagu taageero milkiyadda ay u leeyihiin Buuraha Golan Haytis oo qeyb ka ah dalka Syria, iyo inaan loo hibeyn karin Israa’iil.

Boqorka Sacuudiga waxa kale oo ka hadlay Mowqifka dalkiisa ee Falastiin, wuxuuna xusay inay taageersan yihiin in Dolwad Falastiini ah laga dhiso Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa, iyadoo caasimadna u noqon doonto Bariga magaalladda Quddus-ta La-haysto.

“Arrinta Falastiin waxay figta sare kaga jirtaa Ajendaha Sacuudiga, ilaa ay dadka Reer Falastiin ka helayaan Xuquuqdooda Sharciga iyo inay yeeshaan Dal laga dhiso xuduudkii sannadkii 1967-dii: ayuu yiri Boqor Salmaanka Sacuudiga.

Dhinaca kale, Afhayeenka Shirka Madaxda Carabta, Maxamuud Al-khameyri waxa uu sheegay inay Hoggaamiyayaasha Carabta carrabka ku adkeeyeen Nabad lala gaaro Isreal, iyadoo lagu beddelanayo inay ka wada baxaan dhulalka ay ka haystaan guud ahaan Ummadda Carbeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this