Deeq A. Posted April 1, 2019 Muqdisho (SM) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu furmo Kalfadhiga shanaad Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Qaban qaabada munaasabad lagu daah-furayo Kalfadhigan ayaa haatan si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Qaranka,Wakiilo ka kala socda Beesha caalamka, maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale. Kalfadhiga shanaad xildhibaanada Aqalka Sare waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Labo jeer oo hore ayuu baaqday furitaanka Kalfadhiga shanaad ee Aqalka Sare, sababo la xariira arrimo farsamo aawgeed. Dhinaca kale waxaa saaka xiran dhaq dhaqaaqa qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ayaa la soo dhoobay waddooyin dhowr ah oo u muhiim u ah dadweynaha, kuwaas oo dib u celinayo gaadiidka BL-ka iyo kan gaarka loo leeyahay. Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe cusub oo lagu sugayo ammaanka guud ee degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites