Deeq A. Posted April 1, 2019 Kismaayo (SMN) – Laamaha amniga ee Jubbaland ayaa ka hadlay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo laga sameeyay deegaano ka tirsan maamulkaasi. Afhayeen u hadlay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in weeraro qorsheysan ay ku qaadeen saldhigyo Al Shabaab ay ku lahaayeen gobollada Gedo, iyo Jubbooyinka, islamarkaana khasaare ay ku gaarsiyeen. Sidoo kale waxa uu xusay howlgalladan ay barbar socdeen duqeymo diyaaradeed oo lagu bartilmaaameedsanayay xarumo ay ku sugnaayeen Al Shabaab. Ciidamada Jubbalanadoo garab ka helaya kuwa dowladda iyo AMISOM ayaa todobaadyadiii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo milatari ka waday K/ Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites