Deeq A. Posted April 1, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay saldhigga degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kulan ku qaatay guddiga golaha wasiirada ee loo xil saaray ka soo talo bixinta qorshaha amniga Caasimadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi. Sidoo kale waxa shirkan qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir. Kulanka ayaa diirada lagu saaray, sidii ay wada shaqeyn dhab ah u dhexmari laheyd shacabka iyo hay’adaha amniga Soomaaliya. Guddigan oo heer wasiir ah ayaa waxaa dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana xubno ka ah wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, Ganacsiga iyo Bartoolka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites