Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safarkiisi u horreeyay ee dalka dibaddiisa u baxaya, tan iyo markii la doortay 8-dii Jannaayo 2019, sida ay xaqjiiyeen xubno ka agdhow xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa la filayaa, in uu todobaadka soo socda safarkiisa u horreeya ku tego, magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta iyo madaxa shirkadda DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabtu ay ka wada-hadli doonan, xoojinta xiriirka Puntland iyo Imaaraadka Carabta, sii wadidda mashaariicda Imaaraadku ka fuliyo Puntland iyo taageerada dhinacyada amniga iyo arrimaha banii’aadanimada.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa safarkiisa  u sii gudbi doona magaalada Beijing ee caasimadda waddanka Shiinaha, isagoo halkaasi u tegaya arrimaha la xiriira mashaariic horumarineed, gaar ahaanna kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku jiraan waddooyin laamiya, kuwaas oo sida la sheegay shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha ay ka hirgelin doonaan degaannada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this