Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amaanka oo bilaabay fulinta Balanqaad uu sameeyay guddoomiye Yariisow (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay bilaabay baaritaanka xaafadaha magaalada Muqdisho, kadib markii dhawaan guddoomiyaha gobolka Banaadir uu balanqaaday in la sameyn doono baaritaano adag.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ciidamada ay bilaabi doonaan baaritaan guri walbaa oo ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana xalay laga bilaabay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska ee dhawaan la geeyay degmada Warta Nabadda ayaa xalay baaritaan guri guri ah ka bilaabay xaafadaha Neeshinka, Oorfane iyo Baariyow oo ka wada tirsan degmada Warta Nabadda.

Saraakiisha ciidamada amaanka ee degmada ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaankaasi looga gol leeyahay in lagu raadiyo haddii ay jiraan hub lagu dhex qarsanayo xaafadaha iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad xiriir la leh Al Shabaab.

Guddoomiye Yariisow ayaa maalmo ka hor shaaciyay in howlgaladaan ay sameyn doonaan ciidamada amaanka, kadib todobaad qaraxyo ay marti gelisay magaalada Muqdisho.

Waxaa dhagxaanta lagu sii badiyay isgoysyo markii hore ciidamada amaanka ay joogeen, waxaana la xiray meelaha qaar si gaadiidka ay kaga soo gudbin iyadoo wali ay jirto cabsida dhanka amaanka ah.

Iyadoo sidaasi magaalada u kala xiran tahay ayaa haddana waxaa dhacaya dilalka qorsheysan oo ay fulinayaan xubnaha taageersan Al Shabaab iyo qaraxyada dadka gaadiidka loogu xirayo.

Cabsi dhanka amaanka ee ka jirta magaalada Muqdisho ayaa sababtay in waddooyin badan la xiro, ciidamo badan la geeyo waddooyinka qaar iyo in baaritaankaan ay sameeyaan ciidamada amaanka.

55576486_2042789452513962_59175450979220 55881767_2042789565847284_15919656200883 56464353_2042789499180624_53386386452114 56517018_2042789399180634_24793255215072

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this