Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi: Somalia waxaa looga baahan yahay isbitaalka dawaynta kalitalisnimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha ugu horeeya mucaaradka ayaa si cajiib ah ugu dhaliilay madaxda dalka inay yihiin kuwo ku caan baxay kala talisnimo.

Wuxuu Bartiisa Facebook soo dhigay isbitaalka ugu wanaagsan ee Soomaaliya looga baahan yahay, wuxuuna ku sheegay isbitaalka Soomaaliya looga baahan yahay inuu yahay Isbitaalka Guud ee Dawaynta Kalitalisnimada.

Xildhibaanka oo Muddooyinkii u dambeeyay qoraalo uu ku dhaliilayo dowladda soo dhigayay Bartiisa FACEBOOK ayaa markaan wuxuu raaciyay sawir muujinaya isaga oo aqrinaya BUUG ka hadlaya Kalitalisnimada iyo Dimuqraadiyadda.

Xildhibaan Fiqi ayaa Yiri:-

“Haddii la i weydiin lahaa nooca isbitaalka ugu fiican ee Soomaaliya maanta loogu baahi badan yahay waxaan dhihi lahaa waa “Isbitaalka Guud ee Dawaynta Kalitalisnimada”.

“Waxaana dhakhaatiirta ugu weyn ee ka hawlgasha halkaas laga dhigi lahaa: Dr. Xorriyada hadalka, Dr. Eex & Qabyaalad-diid, Drs. Faan-yarayso, Dr. Xisbiyada badan, Dr. Cadaalad, Drs. Sarraynta Sharciga, waardiyana isbitaalkaas waxaa madax looga dhigi lahaa Mr. Dimoqraadi.

Xildhibaan Axmed Fiqi, ayaa qoraalkiisa kusoo gabo gabeeyay su’aal ay dadweynaha ku xiran siyaabooyin kala duwan kaga jawaabeen oo aheyd:-

“Yaad is leedihiin Buuggan “From Dictatorship to Democracy” markaan aqriskiisa dhammeeye ha loo haddiyeeyo?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this