Sign in to follow this  
Deeq A.

G/Banaadir oo ka hadlay dad ku sumoobay Boorash

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ku dhowaad 30 qof oo ku sumoobay Boorash ay cabeen ayaa caawa la dhigay isbitaalka Banaadir ee Muqdisho.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa la sheegay in ay ka dhacday degmooyinka Waaberi iyo Kaxda ee gobolka Banaadir.

Dadka sumoobay oo qaarkood koomo ku jira ayaa isugu jira caruur iyo haween, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in dadkaan ay ku sumoobeen Boorash laga kariyay kajin ku yaala degmooyinkaasi.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada gobolka Benaadir, Basmo Caamir Shakeeti, ayaa sheegtay in ay baaris ku socoto arrintaan.

Shacabka ayay uga digtay in ay cabaan Boorashka laga kariyo kajinada ku yaalla degmooyinkaasi, illaa iyo laga ogaanayo waxay keenay arrintaan.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/56428769_2152656105025276_765326.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this