Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: 35 qof oo ku sumoobay boorash ay cabeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho ayaa caawa waxaa la keenay dad ku sumoobay boorash ay cabeen.

Dadkaas ayaa ahaa dad barakacayaal ah oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Dhibanayaasha oo tiradoodu ay gaareyso 35 ruux ayaa waxaa ku jira 27 caruur ah, raashin deeq ah oo loo qeybiyay qoysaskan oo ku nool degmada Kaxda iyo Waabari ayaa sababay in ay sumoobaan sida ay sheegeen ehelada dadkaasi.

Dadkaaasi sumoobay ayaa caawa waxaa isbitaalla ku booqday masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Goblka Banaadir Basmo Caamir Jakeeti, Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa caawa cisbitaalka Banaadir ku booqday dadkaaai iyaga ooocaafimaadna u rajeeyay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sameyn doonaan baaritaan ku aadan dhacdadan.

FB_IMG_1554063081911-1.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1554063084530-1.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1554063076744-1.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1554063066536-1.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1554063079229-1.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1554063074622.jpg?w=1000&ssl=1

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho

The post Muqdisho: 35 qof oo ku sumoobay boorash ay cabeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this