Deeq A. Posted March 31, 2019 Boosaaso (SMN) – Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaliya Donald Yamamoto ayaa kulan la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni. Kulanka labada masuul ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxayna labada dhinac kawada hadleen amaanka,dhaqaalaha iyo arrimaha bin’aadanimada. Sidoo kale kulanka madaxweyne Deni uu la qaatay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland. Inta uu kulanka socday danjire Yamamoto iyo madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ayaa isla soo qaaday taageerada xukuumadda Washington ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland. Si kastaba ha’ahaatee, kulanka ayaa looga hadlay horumarinta amaanka deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo inta badan ay ka dhacaan falal amni darro. Safarka uu danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ku tagay magaalada Boosaaso ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee nuuciisa uu ku bixiyo deegaanada maamulka Puntland tan iyo markii safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay ka shaqa bilawday gudaha wadanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites