Sign in to follow this  
Deeq A.

Guterres: “Waa lama huraan in la maalgashto Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia uga qeyb galayay meertada 30-aad ee shir madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta ayaa bogaadiyay horumarada ka soconaya gudaha Soomaaliya.

Mr Guterres oo Khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa ugu horeyn ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda ay leedahay iskaashi dhexmara Qaramada Midoobay iyo dalalka ku mideysan ururka Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale, waxa uu xusay in Qaramada Midoobay ay marqaati cad ka tahay sida dalalka Carbeed ay magangalyo u siiyaan qaxootiga ka yimaada dalalka dariska.

Antonio Guterres ayaa inta uu ku guda jiray khudbadiisa soo hadal qaaday xaaladda Soomaliya, waxaana uu amaan u jeediyay dedaalada ay wado dowladda ee ku aadan horumarinta qaranka.

“Waa muhiim in la taageero dedaalada horumarka dhaqaalaha ee Soomaaliya, sidoo waxaa lama huraan ah maal galin lagu sameysto gudaha Soomaaliya, si ay uga soo kabato burburka dhaqaale ee soo gaaray,” ayuu yiri.

Hadalka Guterres ayaa ku soo beegmaya xili la filayo in uu xoghayaha guud ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa oo soo magacaabo wakiilka UN-ka ee bedali lahaa Nicolas Heysom, kaasi oo dalka laga eryay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this