Deeq A. Posted March 31, 2019 Safiirka iyo madaxweynaha Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa maanta booqday, magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka labada mas’uul oo warbaahintu dibadda ka joogtay, ayaa looga hadlay taageerada Maraynkanku siiyo Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland ee dhinacyada, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimaha banii’aadanimada. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad oo kulankaasi ka warbixiyay ayaa sheegay in qodobadii laga hadlay la isku afgartay,islamarkaana kulanka ku soo dhammaaday jawi wanaagsan. Booqashada safiirka Maraykanku ku tegay magaalada Boosaaso oo aan la sii shaacin ayaa qaadatay saacado kooban waxaana markiiba uu dib ugu noqday magaalada Muqdisho. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Safiirka Maraykanka oo booqday magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites