Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Jidadka bacaadka ah ee Muqdisho oo loo wada beddelayo dhagax

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah furay mashruuca waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo laga hirgelinayo 17 Degmo ee Gobolka Banaadir.

Daah furka mashruucan ayaa ka bilowday Degmada Xamar-Jajab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, iyadoo ujeedku yahay in guud ahaan xaafadaha Caasimadda laga hirgeliyo si kor loogu qaado nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in tallabadani ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Maamulka Gobalka Banaadir uu ugu talagalay in 17-ka Degmo looga hirgeliyo dhismaha waddooyinka Xaafadaha, isla-markaana Xamarjabjab ay maanta nasiib u yeelatay in lagu bilaabo barnaamijkaan.

Eng. Yarisow ayaa ku booriyay dadweynaha Caasimadda in ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda, si loo soo celiyo bilicdii ay Caasimaddu caanka ku ahayd, isagoo uga mahadceliyey Dawladdaha iyo Hay’adaha gacanta ka geysanaya hirgelinta mashruucan.

Sidoo kale, munaasabadda dhagax-dhigga waddada waxaa hadallo ka jeediyay Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka, Xaghayaha Guud ee Maamulka iyo Guddoomiyaha Degmada X/Jajab, iyagoo xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dhismaha waddadaan bulshada ku nool Dagmada Xamar-jabjab.

55627788_2240320242873389_53513207731034 55719447_2240319749540105_81489514920578 55857742_2240319832873430_94011642782469 56174952_2240320192873394_86759061492051

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this